Isbedel lagu sameeyo xubnaha galmada

Waxaa kor u sii kacaysa tirada dadyoowga taageerada ka raadsada goobaha caafimaad ee lagu baaro jinsiga shakhsiga e dalka ka howl-gala.

Guud ahaan 600 oo ruux ayaa howlo noocaasiya u doontay guud ahaan goobahaa sannadkii ina dhaafay ee 2014, sida ay baahisay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado ee SVT:s Sydnytt.

Kolka laga yimaado u furfurnaanta bulshada ee howlahaa ayaa haddana lagu macneeyn karaa xiisaha arrimmahaa ee kor u kacay is-bedelkii xeerka khuseeya ee amuurtaa lagu sameeyay ee sannadkii 2013, midkaasina oo la xiriiray is-bedelka lagu sameeyo jinsiga.

Xeerka ayaa u suurtagelinayay in dhammaan bulshada ciddii doonta ay xaq u leedahay in singigeeda ay wax ka bedesho iyadoo aan loo baahan marka hore is-dhufaanid, sida ay sheegtay dhakhtarad sare Attila Fazekas, oo ka howl-gasha goobta caafimaad ee Lund.

Isha/ Ekot

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se