Olsson oo bilad dahab ah hantiyay

Ciyaartooyga iswiidhishka ee Johan Olsson ayaa ku guuleeystay inuu hantiyo bilad dahab ah ee tartankii orodka qoryaha dhaadheer ee xeegada barafka 15-ka kiiloomitir ee ciyaaraha adduunka ee ka socda magaalada Falun ee dalkan Sweden.

Biladda uu qaaday Olsson ayaa noqonaysa biladdii shannaad oo ey ku guuleeystaan ciyaartoyda Sweden ee tartanka adduunka ka qayb-galeeysa. Waana biladdii labaad oo dahab ah ee laba maalmood oo isku xigta uu dalkani qaado.

Ciyaartooyda Marcus Hellner ayaa galay kaalinta afaraad ee isla tartanka, isagoona 20 seken ka habsaamay inuu isaguna bilad ku guuleeysto.

Isha/ TT

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se