Ganaax ka dhan ah shirkadda duulimaadyada ee Norwegian

Shirkadda duulimaadyada ee Norwegian oo shaqa ka fariisi ba'ani ku socdo ayaa war-bixinno khaldan ku gaarsiisa macaamiisheeda dhanka shaashadeeda internet-ka. Sidaa waxaa qaba wakaaladda macaamiisha oo magaceeda loo soo gaabiyo KO, iyadoona ay wakaaladdu qoondeenayso inay xeerka la tiigsato shirkadda.

Sida wakaaladdu aamin-san tahay in shirkaddu ku war-geliso macaamiisheeda iney tahay iyagu iney cunnada, cabitaanka iyo huteellada iska bixiyaan oo dabadeed lacagtooda dib loogu soo celin doono. Waana fal ka soo hor-jeeda xeerarka iminka u degsan EU. Halka ay tahay in shirkaddu intaa oo dhan bixiso iyo sidoo kale gaadiidka lagu tago ama looga yimaado huteelka - middaasina oo sida KO qabto aan lagu qeexin shaashadda shirkadda dayuurradaha ee Norwegians.

Shirkaddu waxay sidoo kale qortay in shaqa ka fariisigu yahay xaalad degdeg ah sidaa daraadeedna aan magdhow la isku siin karin, hase yeeshee KO sheegtay in aanay middaa shirkaddu go'aan degdeg ah markiiba ka gaari karin.

Mag-dhowgu waa qiime dheeri ah oo u dhexeeya 250-600 euro, oo ka bax-san qiimaha tigidhka.

Shirkadda Norwegian ayaa qarka u saaran ganaax gaarsii-san 500 000 oo koronka iswiidhishka.

Isha/ TT

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se