Dareeno kala duwan oo laga muujiyay xaalada quxuuntiga ka soo talaabaya bada Mediterranean Sea

2:30 min

Maayirka magaalada Palermo ee wadanka Talyaaniga oo lagu Magacaabo Orlando, ayaa rumaysan go’aanka ay reer yurub ka gaadheen quxuuntig u soo gudbaya xududahooga iyaga oo soo maraya bada Mediterranean in dedaalka lagaga hortagayo ee la saddex laabay aanu ahayn mid ku filan.

Isagoo u waramaya Ekot wuxuu yidhi anigu ma u malaynayo in ay yurub fahantay baaxada ay dhibaatadani leedahay iyo muhiimada geedisocodka bila adamku leeyahay. Waxa waajib ah in yurub ilaashato xuduudaheeda, waayo hada waxay masuul ka yihiin saddex gumaad ama dad ku naf waayay iyaga soo talaabaya. Waxa uu intaa raaciyay

‘Waa lagama maarmaan in la sameeyo xayndaab lagu xidhayo meelaha ay dadku ka soo talaabayaan iyada oo looga danleeyahay in la ilaaliyo bila adamtinimada sidoo kalena la badbaadiyo nafo kale oo badan oo ku haligmi lahaa .

Sidoo kale magaalada Catania ee wadanka Talyaaniga imika waxa ku sugan Meron Estefanos oo ah gabadh asal ahaan ka soo jeeda wadanka Eriteria oo ah Swedish una dhaqdhaqaaqda xuuqaqal Isaanka sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga warhaysaa ugana shaqeeyaa arimaha dadka quxuuntiga ah ee ka soo gudba Mediterranean ka, ayaa raadiyaha Sweden u sheegtay in ay aamisntahay in go’aanka shalay lagu gaadhay meel u jirta 200 oo mayl magaaalada Brussels ee wadanka Belgium uu yahay mid xun oo hadana fiican , waayo ayay tidhi magaran karo sida ay dadka quxuuntiga ahi u raadsan karaan dagananshaha yurub iyagoon isi soo biimaynin. Meron ayaa waxay intaa raacisay

‘ waa in ay jiraan sharci u ogaalaanaya dadku in ay helaan hab ay ku raadsadan dagananshaha yurub . dhinaca kale marka laga eegana waa muhiim oo xayiraada la saarayo iyo xayndaabka loo saymayno xuduuda badu waa badbaadintii dadka oo la sii balaadhiyay. Si kale hadii loo dhigana waa mid khatartii iyo ismiidaamintii quxuuntiga sii badinaysa.

Jasiirada Sicily ee wadanka Talyaaniga waxa soo gaadhay doon siday 220 quxuunti ah oo iyada oo qaraqmaysa ay soo badbaadiyeen ilaalada xeebaha ee wadanka Talyaanigu. Isla maantana waxa la filayaa 100 quxuunti oo soo gaadhi doona dekeda Catania iyagoo dalbanaya magangalyo.

Meron Estenfanos ayaa waxay tidhi waxan la yaabanahay hogaamiyayaasha yurub ayaa yidhi ha la burburiyo doomaha dadka quxuuntiga ah keena si aanay u mar labaad u isticmaalin mukhalisiintu , taas ayaa keeni karta in dadka loo isticmaalo doonyaha yar yare e la buufiyo ama buufimaha biyaha korkooda sabeeya kuwaas oo khatar ka weyn tii hore ku keenaya dadka quxuuntiga ah.

Isha:SR

                                                                                             Istahil.aideed@sr.se