Marit Paulsen ruugcadaa ka fadhiisatay siyaasada Yurub

Marit Paulsen oo ka tirsan xubnaha barlamaanka yurub sidoo kale xisbiga Folkpartiet oo ah siyaasiyad ruug cadaa aha yaa ka fadhiisanaysa siyaasada yurub oo ay mudo dheer ku soo dhex jirtay.

Sidaa waxay ku dhawaaqaday kulankii uu xisbiga Folkpartiet ku yeeshay magaalada Västerås ee wadanka Sweden.

Siyaasiyada ruugcaadaga ah oo da’adeedu tahay imika 75 sanno ayaa si aad ah uga dhex muuqatay siyaasada reer yurub gaar ahaan arimaha beeraha, cuntooyinka , xayawaanka iyo mucaawinada. Sidoo kale arimaha ay aad ka u soo shaqaysay ayaa waxa ka mid ahaa 1994 markii ay Iswiidhan u codaynaysay in ay ku biirto midowga wadama yurub ayay iyagu olalaheeda ka waday dhinaca HAA ama in loo codeeyo in lagu biro midowga wakhtigaas oo ay ka tirsanayd xisbiga socialdemokrat.

Waxay ku biirtay xibiga Folkpartiet sanadkii 1998 kii, kadib waxa loo doortay xubin ka mid ah midowga barlamaanka wadanka yurub intii u dhaxaysay sannadihii 1999-2004. Iyada oo ahayd qof si weyn ugu guulastay doorashadii xisbiga gudihiisa waxaanay marlabaad ku guulaysatay in ay noqoto xubin ka tirsan barlamaanka midwoga yurub sannadkii 2009 kii.

Isha : TT

                                                                            istahil.aideed@sr.se