Khatarta iyo dhawaca uu keeno gariirka qalabka dhismaha

Gariirka ay sameeyaan alaadaha iyo qalabka dhismaha ayaa dhakhatirtu ku tilmamayaan mid cafimaadka qofka aad u wax yeelayn karta ,

sida waxa aaminsan hawlwadeen cafimaad. Gariirka iyo dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan sida dubayaasha , masaabiirta iyo miishanka boolasha ayaa waxay dhawacaan unugyada dhiiga iyo dareenwadayaasha , sidoo kale faraha intooda hore ayaa go’ada oo ay jaraan.

Khabiirka dhinaca shaqada iyo deegaanka  ee hay’ada u qaabilsan wadankan Iswiidhan  Stefan Nygård ayaa aaminsan in saamaynta gariirka oo mudo dheer lagu dhex jiraa ay soo badanayso iyadoo qalabka ka la isticmaalayaa aanu ahayn mid kala duwan. Sidoo kale waxa uu yidhi barigi hore qofka arimaha dhismaha ku dhex jiraa waxa uu isticmaali jiray qalab aad u kala duwan , hase yeeshee imika waxa badalay in aan malintii oo dhan wax isku mid ah uun ka shaqayso.

Isha: Ekot

                                                                                istahil.aideed@sr.se