
Shirkadaha guryaha kireeya ee Göteborg oo sigaarka mabnuucaya
Laba shirkadood oo ah kuwa guryaha kireeya oo ka hawlgal magaalada Göteborg ayaa dhaleecayn loo soo jeediyay kadib markii ay sheegeen in ay guryahooda ka dhigi doonaan kuwo uu sigaarku madnuuc ka yahay.
Labadan shirkadood oo kala ah Poseidon och Familjebostäder ayaa soo bandhigay qorshe ah in guryaha danbe ee ay dhisi doonaan oo dhammi noqon doonaan kuwo aan la ogolayn in sigaar lagu dhex cabbo.
Roger Höög ah sharciyaqaan ka tirsan ururka ay ku midoobeen dadka guryaha kiraysta ee loo yaqaano Hyresgästföreningen ayaa si adag uga oo horjeestay tallaabadan. Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
- Waxa aannu aad u danaynaynaa in qofka guri kiraystaha ahi uu gurigiisa ku samayn karo waxa uu doono. Mana rabno in xuquuqdaas gaarka ah la farogaliyo. Waa su'aal mihiim ah oo u baahan in la difaaco.