CODKA Arbaco 20050511

Barnaamijka maanta waxyaabaha aad ku maqli doontaan waxey kala yihiin:

Qeybta koowaad:

  • Hogaamiyeyaasha xisbiyada afarta ee mucaaradka oo safar laba maalmood oo xayeysiin ah ku mareya goobo ka mid ah koonfurta dalkan Iswiidhen iyo fikir ey soo jeediyeen oo la xiriira isdhexgalka iyo imtixaan laga qaado Ajnabiga si loo tijaabiyo xirfaddooda. Degmada Kumla ayaa howl middaasi la mid ku guda jirtey labadii sanno iyo barkii ugu dambeeysey.
  • Maalinta axadda oo ku aadan 62-dan guuradii goortii la aasaasey xisbigii dhallinyarada soomaaliyeed ee SYL. 

Ogeysiin:

Dhegeysteyaal waxaan idiinka cudur daaraneynaa in Arbacada foodda innagu soo heysa aanu barnaamijkii soomaaliga ka bixi doonin idaacadda caalamiga ah ee Raadiyaha Iswiidhen, middaasina oo ey ugu wacan tahey laanta carabiga Al-Majalah oo barnaamijkeeda maalintaa uu bilaaban doono saacaddii aannu hawada ku kulmi jirney ee 17:30. Toosna uga soo lallin doonta beerta Rajada ee magaalada Jönköping.