Iskuulada gaarka loo leeyahay oo ardayda dalka ku cusub qaata

Iskuulada gaarka loo leeyahay ayaa inta badan qaata ardayda dalka ku cusub ee shahaadadooda waxbarasho hoosayso.

 Ardayda dalka ku cusub ee dhigta fasalka lixaad ilaa sagaalaad ayaa 7% ka mid ahi tagaan dugsiyada gaarka loo leeyahay. Tirakoob ay samaysay haayadda waxbarahadu ayaa muujinaya in ardayda dalka joogtay in ka badan afar sanno iyo kuwa dalka ku dhashay ay 17,6% ahi uun doortaan iskuulada gaarka loo leeyahay. Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin ayaa sheegay in loo baahan yahay in dugsiyada waxbarashadu si sharciga waafaqsan in ay u qaabilaan ardayda, iyada oo si sax ah loo qiimaynayo heerka waxbarasho ee arday.

TT