Tagaasiilayaasha oo lagu eedeeyay musuqmaasug baaxad weyn

Shaqaalaha ku shaqaysta tagaasida ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax is dabamarin. Saddexdii sanno ee u danbeeyay waxa ay haayadda cashuuruhu qabatay lacago si suuq madow ah loo shaqeeyay oo gaadhaya 140 milyan oo karoon.

Lacagtan ayay haayadda cashuuraha ee Skatteverket ka loo yaqaanaa go'aamisay in ay dib u soo bixiyaan shirkado tagaasida ku shaqaysta oo si suuq madow ah lacagtan xaday. Xogtan oo ay heshay idaacadda Ekot ayaa muujinaysa in lacagaha la lunsaday ay intan ka badan yihiin. Ururka ay ku midoobeen shaqaalaha tagaasida ka shaqeeya ayaa sheegay in sannadkii si qaldan loo lunsado lacag gaadhaysa hal milyan oo karoon.

Ekot