Goobaha Gargaarka oo laga dhaafayo cashuurta

Meelaha lagu iibiyo alaabada hore loo soo isticmaalay si dadka loogu deeqo ayaa barlamaanka Iswiidhan gudi hoosaadkiisa dhaqaalahu ay soo saareen in laga dhaafo cashuuraha laga qaado meelahas loogu talo galay mucaawimada ama sadaqada

Sida uu sheegay Fredrik Olovvson oo ah gudoomiyha gudihoosaadkaas waxa uu yidhi Su’aasha ugu weyn ee laga warwarsanaa ayay waxay ahayd sidee ayaa dib loogu bixin karaa cashuurihii laga qaaday meelaha mucawimada ee sannadka 2015. lakiin taas xal Ayaan u helnay oo miisaniyada wax kabadalka lagu samaysnayo ee gu’aga ayaa la rajaynaya intan la gaadhin badhtamaha xagaaga in ay ka soo noqon doonto lacag qiyaas ahaan dhan 200 karon.sida ay gudiga dhaqaalaha ee barlamanka iyo wasarada maaliyadu qorshaynayaan kadibna lacagtas dib loogu celiyo qaybta mucaawimada sida hay’ada laanqayrta cas , waana sida ugu dhakhsaha badan ee lagu xalin karo ayuu yidhi mana uu jirin xisbi arrinkan ka soo horjeestay ayuu intaa ku daran Fredrik.