Shaqo joojinta Duliyayaasha SAS

Ururka duuliyayaasha ee Iswiidhan ayaa baahiyay in ay samaynayaan shaqojoojin ka bilaabmaya 21 bishan aan ku jirno ee may iyaga cancel garaynaya heshiiska u socday shirkda SAS.

Gudoomiya ha Peter Larsson ayaa sheegay in dhinacyada wada hadlayaa ay aad u kala fogyihiin sidaa darteedna aanay u muuqan in wadahadalku uu wax ku ool noqon karo. Sidoo kale afhayeenka dhinaca saxafada ee shirkada SAS ee diyaaradaha ayaa sheegtay in ay aad ula yaabantahay habdhaqanka duliyayaasha se ay rajaynayso in wadahadalku midho dhal noqdo.