Hogo-tusmeeyn laga heli karo macluumadka cudurada

Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha goobaha bukkaan-socodyada ayaa marar badan ku khasbanaada iney aaladda internet-ka ka baaraan sidii loo xaqiijin lahaa habka ugu wanaag-san ee loo daweeyn karo bukaan-socodka, middaasina ugu wacan tahay in aanu jirin keyd macluumaad ee middaa la xiriira.

Hase yeeshee uu maamulka ururka gobollada iyo degmooyinka ee magaciisa loo soo gaabiyo (SKL)  uu soo saaray hogo-tusmeeyn laga heli karo macluumaad la xiriira 300 oo cudur, iyadoona howshaasi bilaaban doonto sannadka foodda innagu soo haya ee 2016.

Dadaalkan ayay ujaaddada ka dambeeysaa tahay in la helo daryeel caafimaad dheeri ah oo loo siman yahay.

Ururka SKL ayaa ayaa howshan ku soo ban-dhigi doona maanta kulan uu ku qaban doono Almedalen.

Isha; SvD