Ninki looga shakisana dilka Lisa Holm ayaa la soo daayey

Nimankii walaalaha ee ruumka ugu jiray tuhun looga qabay iney ka dambeeyeen dilkii Lisa Holm oo 17 jira ahayd, ayaa maanta oodda laga qaadey.

Lisa Holm ayaa markeedii hore la waayey kolkii aaney gurigooda iman shaqada ka dib. Booliska iyo dadyow badan ayaa raadiskeeda ka qeyb galey, iyadoona markii dambe la heley meeydeekii. Laba nin oo walaalo ah iyo mid ka mid kooda xaaskiisa ayey ugu horreeyntiiba boliisku ka shakiyeen, iyagoona ruumka la dhigey dhammaantood. Saddexda ruux ayaa markii hore oodda laga qaaday haweenaydii, halka maantana oodda laga qaadey labad nin midkii da’da yaraa.

Xeer ilaaliye Lars-Göran Wennerholm aayaa go’aansaday inuu oodda ka qaado ninkaasi, hase yeeshee ka codsaday maxkamadda Skaraborg in ninka kale ruumka lagu sii hayo laba toddobaad.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay inuu daciifay tuhunkii loo qabay ninka oodda laga qaaday, halka uu kor u sii kacay tuhunkii loo qabay labada nin ee walaalaha ah midkooda weyn.

Isha: TT