Damashaadka iyo Dabaaldega bulshada Iswiidhan

Boqorka dalka Sweden Carl Gustaf ayaa dhiniciisa kaga biiray bulshada Sweden ee u hambaleeynaysa kooxda qaranka kubbada cagta ee dhallin-yarada Sweden oo xalay ku guuleeysatay goobka dahabka ee Yurub, iyagoona ciyaartii fiinaalka kaga guuleeystay kooxda dhiggooda ee Bortuqaal.

 "Boqorka ayaa aad ugu qancay sida kooxda qaranka ee dhallin-yaradu koox, koox uga guuleeysatay kooxihii qarammada ee waddammadii ku caanka ahaa kubbada cagta, iyo iney muujiyaan karti aad u ballaaran. Isagoona uu boqorku ugu hambalyeeyey xulka qaranka, biladda dahabka oo ey soo hoyeen ", sida lagu daabacay shaashadda internet-ka ee aqalka boqortooyada.                                                           

Iyada oo sidoo kale lagu caddeeyey in boqorku si xiiso leh ula socday ciyaartii fiinaalka Yurub ee kubbada cagta dhallin-yarada 21 jirka oo xalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Baraag ee caasimadda dalka Jeka (Chek).