
Tahriibayaal la badbaadiyay
Ciidamadda badda Iswiidhan ee qeybta ka ah howsha samatabixinta tahriibayaasha ee badda miditireeniyanka, ayaa soo badbaadiyay 305 tahrribayaal ka yimid dhanka Liibiya kuna soo jeeday qaaradda Yurub.
Qaxootigan ayaa muddo labo toddobaad ah ku lunsanaa badda dhexdeeda hase yeeshee intooda badan ayaa ah kuwa caafimaad qaba.
Markabka ilaalaada xeebaha Iswiidhen ee Posiedon ee qeybta ka ah howl-galka midowga Yurub ee Triton ayaa tan iyo bishii Juun waxa uu badbaadiyay tahriibayaal 2000 ku dhow oo soo galay badda Miditireeniyanka si ay ugu soo tallaabaan Yurub.
Peo Allard oo ah taliyaha markabkan laga leeyahay Iswiidhen ayaa sheegay in ay tahay arrin lagu nafiso in howl-galkooda ugu dambeeyay uu u dhacay si wanaagsan.
- Taliayaha ayaa sheegay in howl-galka guud ahaan uu yahay mid wanaagsan. Dadkana marka la soo badbaadiyo ay noqdaan kuwo farxa.
Källa. Ekot