
Xubanaha jirka aadanaha ee la isku deeqo
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda adeega bulshada ee Socialstyrelsen ayaa lagu sheegay in ay aad u korotay tirada xubanaha jirka ee la isa siiyo kolka qof xanuun dartiisa uu waayo xubnaha muhiimka ah ee jirka aadanaha sida kelyaha ama beerka.
Hase yeeshee warbixinta ayaa sheegtay in qofka uu helo xubin deeq ah oo loogu bedelo mid ka xumaatay ay ku xiran tahay halka uu kaga noolyahay dalka.
Sida lagu sheegay warbixinta, gobolka Västmanland ayaa ka mid ah gobolada ugu badan ee la isa siiyay xubnaha bina'aadamka sannadkii la soo dhaafay. Tirada deeqaha xubnaha jirka ee qof fayow uu siiyay mid xanuunsanaya ee gobolka Västmanland, ayaa ah mid laba laab ka badan inta la isa siiyay ee koonfur bari Iswiidhen.
Källa: P4 Västmanland