Caruurta rajo beelka ah oo sii kordhaya

Tirada caruurta wajaha xaaladda rajo la'aanta ee horseeda in ilamuhu lumiyo nashaadka nolosha uuna awoodo waayo astaamaha nolosha caadiga sida hadalka, wax cunida, ayaa sii kordheysa.

Waxaan jirin tirakoob mideysan oo quseeya guud ahaan dalka hase yeeshee cisbitaalka caruurta ee Sachsska ee magaaladda Stockholm, ayaa diiwaanka geliyay sannadkii aynu soo dhaafnay bukaano gaaraya 21 oo xaaladaasi la soo deristay waana tiro ka badan sannadihii hore oo tirada u dhaxeysay 12-15 caruur.

Tirakoob isna ka yimid dhanka hay'adda socdaalka ayaa muujinaya in ay kordhayaan caruurta rajo beelka ku dhaco. Caruurta uu haleelo xanuunkan rajo beelka ayaa u badan caruurta yar yar ee waalidiinta magan-gelyo doonka la socda.

Mikael Billing, oo madax ka ah qeybta dhimirka ee Sachsska ee qaabisha caruurta magan-gelyo doonka, ayaa aaminsan in tirada sii kordheysa ee caruurtaasi ay ku xiran tahay qaxootiga tirada badan ee imanaya Iswiidhen oo qaarkoodna gala nolol dhuumasho ah.


- Waxaan la xiriirnay qoysas fara badan oo si dhuumaaleysi ah u nool. Caruurta waxay ku sugnaan karaan xaalad aad u darn oo naxdin ama shoog ah, oo waxay muddo fog ku jiraan nolol dhib ah ka dib waxaa halkaasi imaan karta khatar ah in caruurta galaan xaaladdan rajo beelka ah, ayuu yiri Mikel Billing.

Mohamed Amiin Adow

mohamed_amiin.adow@sr.se

Källa: Ekot