
Qorshe lagu kordhin rabay deegaameynta miyiga oo fashilmay
Dadaal, ay dowlada gelisay dammaanad deymaha bankiyada oo loogu gol lahaa in ay kordhaaan dadka gurayaha ka dhisanaya meelaha miyiga, ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid fashilmay.
Keliya dhowr fillooyin oo cusub ayaa la dhisay tan iyo markii qorshahan la bilaabay muddo imminka laga joogo toban sano.
Dhanka kale, xitaa waxaa adag ayaa la leeyahay in meelaha miyiga ah laga helo guryo iib ah.
Dowlada ayaa ayaa qorshaha dhiiragelinta ee ah in la kordhiyo deegaameymta meelaha dadku ku yar yihiin waxay ka qaadatay kaalin ah in ay daboosha halista bankiyada kaga imaan karto kolka ay amaah guri lagu dhisayo siiyaan shaqsiyaadka doonayo.
Hase yeeshee tan iyo markii qorshahani uu bilowday sannadkii 2004, hay’adda Boverket ayaa diiwaan gelisay keliya 15 heshiis damaanad deynta tobankii sano ee la soo dhaafay taasi oo micnaheedu yahay in keliya 15 guryo cusub oo si shaqsi ah loo leeyahay in uu soo kordhiyay mushaaruucaasi.
Martin Nilsson, oo ah baare soo bandhigay daraasad ay sammeysay dowlada kuna qotonta arrinka, ayaa sheegay in damaanada deynta ee dowlada in aysan waxba soo kordhin marka laga hadlayo kordhinta guryaha gaarka loo leeyahay ee laga dhisto meelaha miyiga.