Tareenka Stockholm iyo Göteborg oo hakad ku jira

Cilad ku timid buundo uu  tareenka dul maro oo ka gudubta biya mareenka Göta kanal, ayaa sababtay in uu hakad ku yimaado isu socodka tareenka magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg.

Buundada oo ah nooca is fura ayaa cilad farsamo ku timid, sida ay ku warameyso idaacadda wararka P4 ee gobolka Skaraborg. 


Hay'adda gaadiidka Trafikverket ayaa imminka ku howlan cilad bixinta buundada inkastoo aan la oggeyn inta ay qaadaneyso xalinteeda.

Källa: TT