
Xeer ilaaliye lagu helay dambi kufsi caruur
Maxkamada Falu ee gobolka Dalarna ayaa maanta xukun xabsi oo dheer ku riday xeer ilaaliye ku eedeysnaa in uu faro xumeeyay caruur iyada oo caruurtaasi uu kaga bedelan jiray galmo qamri uu u soo gadi jiray maadaama dalka Iswiidhan iibinta khamriga ku xiran tahay da’.
Xukunka ku dhacay xeer ilaaliyaha ayaa ah saddex sano iyo bar oo xabsi ah.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale lagu helay dambi kale oo ah in si sharci daro uu isticmaalay awoodiisa xafiis iyada oo xog shaqsiyeed ku jiray kombuuyatar uu adeegsaday iyo in uu gatay galmo.
Xeer ilaaliyaha dambiga lagu helay ayaa sidoo kale maxkamada waxay ku xukuntay in uu siiyo lacag dhan 250 000 oo karoon caruurta uu u galmooday.
Ninkan dacwadaha markiisa ku soo oggi jiray dadka ku kaca faldambiyeedyada, ayaa ka soo jeeda magaaladda Gävle. Dambiyada lagu soo eedeeyay waxay ka dhaceyn meelo kala duwan oo gobolka Dalarna ka mid ah iyo magaalooyinka Sundsvall iyo Hudiksvall.
Xeer ilaalyaha ayaa dafiray jiritaanka dambiga kufsiga caruurta hase yeeshee maxkamada ayaa sheegtay in eedeysanaha aan la amini karin.
Waxaa sharci daro ka ah Iswiidhan in aad khamri ama sigaar u iibiso caruurta aan qaan-gaarin xitaa haddii iyagu leeyihiin lacagta. Waxaa sidoo kale dambi weyn in aad la galmooto qof da’diisu ka yartahay 15 sano, iyada oo aan loo eegeyn jinsiga wiil ama gabar.
Sharciga ayaa qoraya in xitaa haddii qofka ka da’ yar intaasi uu isaga/iyadu dooneyso galmada, in haddii qof da’da weyn u tago in taasi ay la mid tahay kufsi ama ka faa’ideyso cunug yar.
Källa: Ekot