
Tirada hubka la qabto oo aad u korortay
Sannadkii hub sharci daro oo gaaraya 1 300 ayay qabteen oo la wareegeen booliska Iswiidhen, waana sare kac 100 hub oo siyaado ah marka lala bar bar dhigo sannadkii hore, sida uu qoray wargeyska Nerikes Allehanda oo soo xiganaya tirakoob ka soo baxay qeybta booliska qaranka ee la dagaalanka hubka sharci-darrada.
Mats Karlsson oo ah kaaliyaha taliyaha booliska ee magaaladda Malmö ayaa sheegay in marka la kordhiyo raadinta hubka sharci darada ah, in iyana ay kordheyso tirada hubka sharci daradda ah ee ay qabanayaan booliska.
Sarkaalkan ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay in dhibka jira uu yahay Iswiidhen in uu yahay, in aan la garaneyn cadadka hubka sharci daradda ah ee ku wareegaya dalka.
Booliska magaaladda Malmö ayaa dadaal dheeri ah ku jiheeyay la dagaalanka dambiyada abaabulan halkaasi oo ay ka korortay tiradda hubka sharci daradda ad ee ay la wareegaan booliska.
Sida booliska magaaladda laga soo xigtay, waxay guud ahaan qabteen ama ay la wareegeen hub sharci darro ah oo gaaraya 169. Kolka booliska magaaladda ay xisaabiyaan hubka ay qabteen nuska hore ee sannadkan 2015, tirada ayaa sare u sii kaceysa marka lala bar bardhigo isla xilligan oo kale sannadkii hore 2014.
Mats Karlsson, kaaliayaha madaxa booliska magaaladda Malmö ayaa sheegay in uu aad ugu qanacsan yahay sida ay ugu guuleysanayaan qabashada hubka sharci daradda ah iyo in ay sharciga hor keenaan shaqsiyaadka doorta in ay is hubeeyaan hase yeeshee waxuu sheegay in uu wel wel ka hayo noocyada hubka kala duwan ee dalka ku jira.