Xisbiga Moderat-ka oo hoos u dhacay

Ra'yi uruurin lagu cabiraayay taageerada xisbiyada siyaasadda dalka ayaa muujineysa in xisbiga Moderat-ka uu ku yimid hoos u dhac halka xisbiga Sverigedemokrater-kana uu sare u kacay saddex boqolkiiba iyada oo uu imminka gaaray in ka badan 18 boqolkiiba.

Ra'yi ururrinta oo ay oo ay sammeysay Demoskop ayaa waxaa dalbaday oo loo sammeeyay wargeyska Expressen.

Xisbiga Moderat-ka ayaa helay får 23,1, iyada oo hoos u dhaca 3 boqolkiiba ah ee ku yimid xisbiga micnaheedu tahay in hoos u dhac uu ka jiro taageerada loo hayo xisbiyada isbaheysiga oo imminka heysta 38,7 boqolkiiba.

Xisbiyada haya talada dalka ee xilligan ee rödgröna, ayaa qudhooda waxay lumiyeen in yar iyaga oo imminka heysta 39,4 boqolkiiba taageeradda dadweynaha ee xagga ra'yiga.

Källa: TT