Giriiga iyo Midowga Yurub oo heshiis gaadhay

Giriiga iyo midowga Yurub ayaa waxay heshiis ka gaadheen sidii loo xalin lahaa xaalada adag ee daynta ah ee uu ku jiro wadanka Giriigu. Wadahadalka labada dhinac dhex maray ayaa ahaa wakhti dheer socday ilaga bilaabo ilaa shalay markii ay saacadu ahayd 16:00. 

Sida uu saxaafada u sheegay madaxa golaha sare ee midowga Yurub Donald Tusk  , waxaa uu yidhi barnaamijaka deynta kaalmada degdega ahi wuxuu suurta gal ka dhigayaa in Giriigu aanu ka bixin  midowga Yurub ee uu xubin ka sii ahaado. Sidoo kale heshiiskan ayaa waxa lagaga dooday sidii loo maaraynlahaa  lacagta midowga yurub amaahin doono Giriiga iyo meelaha waxa lagaga qabanayo wadanka gudihiisa, iyo sidoo kale isbadalada la samayn doono oo ay ka mid tahay in waxa laga badalo lacagta ay qaataan dadka waaweyn marka ay shaqada ka fadhiisataan.

Isha: SVT, BBC