Qaraxii saaka ee Malmö

Saaka ayaa waxa qarax ka dhacay magaalada Malmö gaar ahaan xaafada Augustenborg halkaas oo albaab dhisme uu ku burburay qaraxa lakiin aanay wax dhaawac ah cidna ka soo gaadhin.

Warbixinta booliska ayaa sheegaysa in ay ahayd bam ah nooca gacata sida ay sheegtay idaacada P4 laanteeda Malmö. Sidoo  kale bishii January ee aan soo dhaafnay ayaa waxa qarax loo isticmaalay aaaladaha qarxa lagu qarxiyay isla wadadan tasoo waxyeel u geysatay daaqado dhismayaal.

Isha:P4hus Malmö