
Bukaanka Dhimirka oo Baxsada
Waxa dhawaanahan soo batay Iswiidhan in bukaano badan oo xanuunka dhimirka qaba ay ka baxsadaan goobaha badhitaanada dhanka maskaxda ah ee lagu hayay.
Salasadii la soo dhaaafay waxa cisbitaal ku yaala magalada Sundsvall ka baxsaday markii labaad nin lagu hayay goobtaas. Halka sannadkii ina soo dhaafay Socialstyrelsen sheegtay in 144 case ay dhaceen , halka sidoo kale la barbardhigi karo 63 dhacdo oo arinkan khuseeya sannadkii 2008 dii.
Laanta wararka ee Ekot ayaa waraysatay nin isaga lagu xukumay in uu geystay dil laba ruux sannadkii 2004 wuuxa sheegay in uu helay fursado badan oo u ku baxsan kari lahaa.
Waa macquul ayuu leeyahay in dad badan ay helan fursado ay kaga baxsan karaan goobta lagu hayo, laga soo bilaabo marka aad hesho xoriyad aad ku socsocan karto waxad helaysaa maalin kasta fursado. Anigu dukaan Ayaan iska gaadhay buu leeyaahy halka ay shaqaaluhuna iska taagtaagnaayeen dibada.