Sweden oo wajahaysa khilaf siyaasadeed oo cusub

5:30 min

Dhamaadkii todobadkan waxaa gebi ahaanba burburay heshiiskii december ee u dhaxeeyey xisbiyada xukumadda iyo kuwo mucaaradka.

Jimcahii kulan weynaha sannadlaha ee xisbiga Kristendemokraterna (KD) ayaa lagu go'aamiyay in xisbigu uu ka baxay heshiiskan, xisbiyada kalena ee alliansen waxay ku iyana dhawaaqeen in ay ka baxeen heshiiska DÖ.

Su’aalsha weyn ee hadda taagan ayaa ah sida ay xukumadda ugu suurtoobeyso meelmarinta miisaaniyadeeda, iyadoo xukumadda waddanka ka arramisa aysan aqlibiyad ku leheyn baarlamaanka dalka.

Imminka oo uu burburay heshiiskas marka miisaaniyadda dowladda lo horkeena guddiga dhaqaalaha ee baarlamaanka waxaa dhaci karta in xisbiyada Alliansen iyo Sverigedemokraterna ay isku si wax u arkaan, taas oo qasab ka dhigi karta in wax laga beddelo miisaaniyadda ay xukumadda wadato.

Ra’iisalwasaare Stefan Löfven ayaan isku hubi karin in miisaaniyadda xukumaddiisa sideeda baarlamaanka ku meelmariyo.

– Hindisaha miisaaniyadeena miiska baarlamaanka ayaa dhignay, halkas uu hadda yaalaa, haddii xisbiyadan hadaladooda wax ka saxyahiin oo ay sida ay sheegaan u codeeyaan mid weliab hindisaha miisaaniyaadeed ee uu wato, markas miisaaniyadeean