Dhowr qof ayaa ku geeryooday weerar ka dhacay Trollhättan

1:39 min

Booliska magaalada Trollhättan ayaa agagaarka iskuul shakhsi ku toogtay 10:kii subaxnimo. Shakhsigan ayaa middi la galay iskuulka Kronan oo magaaladan ku yaala, dabeetana shan qof dhawacay, halkey saddex qofi halkan ku geeryootay , macallin, arday iyo isaga oo mar dhoweed dhakhtarka ku dhintay. Islamarkaasi na ay dhowr caruur iminka lugu qalayo cusbitaalka NÄL. Kronan ayaa birri xidhaya,sababta oo ah in u boolisku meeshan baadhayo.

Togashadani ayuu inan soomali ah ku dhaawacmay, kan oo dhakhtarka iminka lugu qalayo. waa warbixin oo boolisku weli cadeyn, hasayeeshe ay dhowr qof oo halkan ku nool sheegayaan.

Qadar oo ka shaqeeya iskuulka Frälsegårdsskolan, oo 500 mitir u jira iskuulka toogitaanku ka dhacay ayaa naxsan. Wuxu sheegay in ay caruurtooda ay iskuulka gudihiisa ku xareeyeen. Waanu ka xunyahay wixii halkan maanta ka dhacay.

-Caruurta gudaha ayaan ku haysana, badanka caruurta wexey iskuulka toogitaanku ka dhacay ku haystaan walaal amba ehel, ayuu sheegay. Wuxuu raaciyay:

- Warbixintii ugu horreysay aanu helnay ayaa ah in caruuraha gudaha ku hayno, fursadaha na dibadda loo saarin.

Mohammed ayaa ah inan iskuulka u arrinkani ka dhacay ka shaqeeya.

-Kula ma hadli karo, waan xanaaqsanahay, ayuu igu yidhi markey Radio Sweden l´aanta afka soomaaliga wareeysi la qadatay.

Warbixinta ugu dambeeysa ayaa ah in macallin ka mid ah 5:ii u dhaawacu gaadhay dhakhtarka ku geeryooday, islamarkaas na 11,15 jir soomaali ah iyo macallin kale iskuulkan ka shaqeeya dhakhtarka NÄL lugu qalayo.  Mid ka mid ah caruurtan ayaa mar dhoweed ku geeryooday dhakhtarkan ayuu Tomas Fuxborg oo qebta saxaafada u qaabilsan booliska sheegay.

Sido kale waxaa mar dhoweed geeryooday ninkii dhaawacan geeystay oo sidu boolisku u sheegayo ah 21 jir isla magaaladan degan.

Iskuulka Kronan ayey tiro gaadhaysa 400 oo caruur dhigata ilaa iyo fasalka 9 :aad.

Stavreskolan oo agagaarka halkan ku yaala ayaa shalay loo hanjabay, arrin u boolisku la soconin ayuu sheegay Fuxborg. 

Cinwaan ku ag yaala iskuulkan ayuu boolisku ka shakiyay dabeetana baadhaya, waa arrin u Fuxborg sii sharaxi karin. ayuu sheegay Jörgen Winkler oo ah weriye ka hawlgala l´aanta P4 Väst.

Ra´iisal wassaraha Stefan Löfven ayaa si degdeg ah u booqan doona magaaladda Trollhättan.

16:00 galabnimo ayuu shir saxaafadeed halkan ku qabaan doona.