Zlatan oo ka hor tagaya kooxdiisii hore

Caawa ayuu Zlatan Ibrahimovic oo u ciyaara kooxda PSG mar labaad ka hor tagaya Malmö FF oo ah kooxdii u hore ugu ciyaari jiray, tartanka horyaalka horyaalada ee Champions League.

Ibrahimovic oo dhowaan shir saxaafadeed ciyaartan ku saabsan qabtay, ayaa sheegay:

-Aad ayaan u faraxsanahay. Xusuusdani wexey noqonaysa mid aan nolosheeyda dhan iloobin. Ma badna tirada ciyaaryahaan ee goob joog u leh in ay magaaladi ay ku koreen iyo kooxdi ay u ciyaari jireen ka hor taga, ayuu sheegay Ibrahimovic.

Saacadu markey tahay 20:45 caawa ayey garoonka Swedbank Stadion oo ku yaala magaalada Malmö labadan kooxi tartankan ku ciyaari doonaan. Zlatan Ibrahimovic oo ku soo koray magalaada Malmö ayaa dadka ciyaartan ka daawin karin garoonkaan u kireeyay tiifii weyn oo ciyaartan laga daawan karo, suuqa magaaladan ee Storgatan. Tiro u dhaxeeysa 10 ilaa 20 000 oo qof ayaa la filaya in ay ciyaartan halkaas ka daawadaan.

 

/SR Radiosporten