Miisaaniyadda gu’ga oo arbacada la soo bandhigi doono

0:31 min

Xisbiga Vänsterparti-ga ayaa dawladda la gaarey heshiis la xiriira miisaaniyadda guga soo socda.

Hogaanka xisbiga Vänster-ka ayaa heshiiskaas ogolaadey, waxaana miisaaniyaddaas ku dhexjira lacag dhan 10 bilyan oo karoon taa oo la siin doono degmooyinka dalkaan.

Wasiirka maaliyadda dalkaan Iswiidhan Magdalena Andersson ayaa arbacada soo socota waxay baarlamaanka dalkaan soo hordhigi doontaa miisaaniyadda gu’ga.

Miisaaniyaddaan la soo bandhigi doono maalinta arbacada ayaa waxaa hadda ku mideysan xisbiyada Sooshal demoqoraati-ga, Miljöparti-ga iyo Vänsterparti-ga.