Ra´iisal wasaaraha Iceland oo jagadiisi iska casilay

0:58 min

Xalay habeenimadii ayuu ra´iisal wasaaraha waddanka Iceland Sigmundur David Gunnlaugsson sheegay in u jeegadiisi ka degayo. Hasayeeshe dhowr sacadood ka dib ayuu go´aankiisi ka laabtay islamarkaasna uu sheegay in u hogaamiye ku xigeenka xisbigiisa Framstegspartiet, noqon doono ra´iisal wasaaraha cusub.

Nidaam darradan ayaa ka dhalatay ka dib markii ay saxaafadda adduunku ay heshay in ka badan 11 malyan oo dukumanti sir ah. Kuwan oo lagu magacaabay ”Panama dokumenten” oo cadeeyay in shirkado kala duwani lacago dibadaha dalalkooda ugu qarsadeen kuwaas oo badankoodu canshuuraha kala cararayey dalalka ay dadkaas iyo shirkadahaasi ka hawlgalaan.

Warqadaahan ayaa sheegay in ra´iisal wassaaraha Iceland ka mid ahaa dadkii dibadaha lacagta ku qarsaday, arrinkan ayaa dhaliyay in dadweeynaha waddankani qabteen banaanbax muujinaya kalsooni darroda ay u qaban ra´iisal wasaaraha.


Isha/Ekot