Sweden oo Musambiik kala talisay in aaney qaadan nidaamka diiwaan gelinta Personnummer

6:23 min

Hayadda cashuuraha ee Skatteverket ayaa maanta wareeysi ay siisay war-geeyska Dagens Nyheter (DN) ku sheegtay inay caqabado ka heeystaan diiwaan-gelinta bulshada, waxa loo yaqaanno personnummer. Middaasina oo lagu macneeyey iney dalka soo galaan ajaaniib badan oo sheegta dhalashooyin isku mid ah, sida: 1-da jannaayo, 21-ka maarso oo ah xilliga neyruuska iyo 1-da luulyo.