Miisaaniyaddii dayrta oo saaka la soo bandhigi doono

Hoggaanka dawladda Sweden ayaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyey waxey soo ban-dhigayeen fikirro dhowr ah oo la xiriira miisaaniyadda  iyo siyaasadda canshuuraha oo ey heshiis loo dhan yahay ku wada gaareen xisbiyada siyaasadda.

Iyadoona uu fikirka tallaabooyinkan ka dambeeyaa yahay fikirro ey ka soo bixiyeen hayadaha ey khuseeyaan miisaaniyadda xilliga dayrta ee sannadka.

  • Nidaamka Rutavdraget oo is-bedel lagu sameeyn doono, laguna dari doono in cashuur la isugu soo celiyo howlo ey ka mid yihiin xaaqidda beeraha, caawinta qooysaska guureya iyo adeegyada IT ayaa hir-geli doona laga bilaabo koowda bisha agoosto ee sannadka 2016. Tallaabadnina oo ka dambeeysay heshiisyadii ey wada gaareen xisbiyada garabka midig ee mucaaradka iyo garabka Bidixda ee gacanta ku haya awoodda dalka.
  • Canshuurta dadba ee adeegyada sahlan oo laga dhigo 12 boqolkii, halkii ay ka ahayd 25 boqolkii, laga bilaabo kowda bisha jannaayo ee sannadka 2017. Adeegyadan ayaa la xiriira baaskiillada, kabaha, harqaammada iyo wixii la mid ah.

Isha/ Ekot

                                                              kenadid.mohamed@sr.se