Iswiidhan oo dhaleecayn loo gudbiyay

2:40 min

Iswiidhan ayaa ku liidata in ay la socdaan xaalada caruuraha dhibaateeysan ku suganyihiin. Dhaleecayntaas ayey l´aanta Ururka Qaramada Midoobey u qaabbilsan carruurta oo loo soo gaabiyo Unicef u gudbisay dawladda Iswiidhan.

Baadhitaankan ayaa ku saabsan xaalada caruurahani ku suganyihiin, caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo dhaqaalaha.

Dhanka kale ayey wadamada jaarka Denmark,Norway iyo Finland ka mid yihiin wadamadda ku guleeystay baadhitaankan, ahna kuwa natiijada ugu wanaagsan dhinaca caafimaadka caruuraha dhibaateeysan.

-Waa arrin aan ka xumahay in ay Iswiidhan masuuliyadoodi ka soo baxi waayeen, ayey sheegtay Christina Heilborn oo ah qareenad ka tirsan heeyada Qaramada Midoobay u qaabilsan Unicef.

Baadhitaankan ayaa si gaar ah u eegay qaar ka mid ah waddamada EU iyo kuwo xubin ka ah ururka caalamiga ah ee iskaashiga dhaqaalaha ,OECD. Halkaas oo la baadhay faraqa u dhaxeeya caruuraha wadamadan ku nool, tusaalahan caafimaadkooda, waxbarashada iyo xaaladooda guud.

Caruuraha ajaanibta ah ayaa ka mid ah kuwa ugu dhibaateeysan, ayuu sheegay baadhitaankani.

-Waxaan aragnay in ay reeraha ajaanibta ahi dhaqaalahoodu liito, dabeetana ay saameeysay caruurta, ayey sheegtay Christina Heilborn.

Unicef ayaa u jeeda in aaney Iswiidhan wax ka qaban boqolkii ba tobaanka caruuraha ugu dhibateeysan bulshadda.

Islamarkaas ayaa baadhitaankan laga arkay in ay Iswiidhan ka liidato wadamada ku yaala bariga yurub, griig, ameerika, estoonia,laatvia iyo lithuaaniya.

Sababta ay Iswiidhan caruurahan ugu liidato ayey Unicef filaysa xidhiidh la leedahay in ay Iswiidhan sanadyadii ugu dambeeyay qaxooti faro badan qaabishay islamarkaas na ay hawshi ku faro badatay.