Qof laga shakiyay in u ku socday koox argagaxiso ah

Markii ugu horeeysay ilaa iyo koowdi bisha abriil sannadkan markii la soo dejiyay sharciga dembi ka dhigaya in lara dagaalamo, la maalgeliyo amba caawimaad kale la siiyo ururada argagaxisada ah, ayaa la qabtay qof arrinkan lugu tuhmay.

Sidaas ayey åklagarmyndigheten oo hawlahan ku shaqo leh dhowaan ku soo dhigeen bogooda.

Shakhsigan ayaa lugu qabtay madaarka magaalada stockholm shalay arbacadii.

-Baadhitaankani waa mid aanu hadda biloownay, warbixin intaas ka badan ma dhiibi karno, ayey sheegtay Agnetha Hilding Qvarnström oo ka hawlgasha rugta xeer ilaaliyayaasha caalamiga ah ee magaalada Stockholm.