Wasiirka guriyeynta oo lagu heley in uu la afurey dad xagjir ah

1:03 min

Wasiirka guriyeynta dalkaan Iswiidhan Mehmet Kaplan ayaa saxaafadda dalkaani soo heshey

in uu marar kala duwan la afurey dad ka tirsan urur turki ah oo  xagjir ah.

Kaplan ayaa sheegey in habeen walba bishii ramadaan uu la afurayey shakhsiyaad kala duwan, wuxuuna intaas ku darey in uusan ka warheyn kuwa ay yihiin dadkaas la soo casumey.

-Intaan siyaasadda ku soo dhexjirey oo dhan waxaan difaacayey xuquuqda bani’aadamka iyo dadku in uu siman yahay ,sidoo kalana waxaan la dagaalamayey xagjirnimada, ayuu yiri Mehmet Kaplan.

Mahmet Kaplan ayaa intaas ku darey in uusan goobahaas tageen haddii uu horey u sii ogaan lahaa cidda ay yihiin shakhsiyaadka halkaas isugu yimid.

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven ayaa kulan la yeeshey wasiirkiisa guryaha Mehmet Kaplan, ka dib markii saxaafaddu wararkiisa faafisey.

Mehmet Kaplan ayaa sheegey in isaga iyo raysal wasaaruhu isla garteen in wasiir walbaa ka tigtoonaado uuna ogaado meelaha uu tagayo iyo dadka uu la kulmayo.

-