Lacagaha laga xado kaararka bangiyada ayaa aad kor ugu kacey

0:40 min

Saddexdii bilood  ee sanadkaan ugu horeysey ayaa waxaa laba jibaarmey

marka la barbardhigo sanadkii hore dacwooyinka la xiriira in lacago laga xado kaararka bangiyada ee dadku shakhsi ahaan u leeyihiin, sidaasna waxaa sheegey ciidamada booliiska ee dalkaan.

-Kor u kacaan boqolkiiba boqolka ah ee arrinkaan ku yimid waa mid aan horey u dhicin, ayuu yiri Jan Olsson oo taliyaha ciidamada booliiska u qaabilsan la dagaalanka danbiyada noocaan oo kale ah.

Saddexdii bilood ee sanadkaan ugu horeysey ayaa ciidamada booliska loo gudbiyey dacwooyin arrimahaas la xiriira oo dhan 25 000 oo xaaladood.