Yrkesvux: waxbarashada dadka waaweyn oo la maagelinayo

1:45 min

Qodab ka mid ah hindisaha miisaaniyadda dowladda ayaa ah in lacag dheraad lagu maageliyo waxbarashada dadka waaweyn ee lagu waco yrkesvux. Hindisahan waxaa soo dhaweeyey garabyada suuqa shaqada.

– Waa arrin wanaagsan oo aan waqti dheer ku baaqeynay. Waxaan aragnaa in shirkadaha dalka badankood ay dhibaato ka heysato heliddda shaqaale leh xirfaddaha loo bahan yahay, sidaas waxaa yeri madaxa dhanka dhaqaalahe ururka ganacsiga iyo warshadaha Bettina Kashefi.

Helidda shaqaale leh xirfadda loo baahanyahay wa dhibaato weyn oo ay shaqo baxiyaal badan ka dhawaajiyaan. Si hadaba dhibaatadan xal loogu helomdowladda ayaa ku talineysa in la kordhiyo goobaha wax lagu baro dad waaweyn. Sannadka 2017ka dowladda waxay ku sheegtay in ay qorsheyneyso hirgelinta 11 750 goobood oo wax lagu baro dadka waaweyn, iyadoo loo qoondeeyey dhaqaale gaaraya 1,1 bilyan oo karoon.

Ururad iskaashatada ayaa asna soo dhaweeyey hindisahan dowladda.

– Midda aan aadka ugu qanacsanahay waxay tahay in dhaqaalo badan la geliyo waxbarashada dadka waaweyn, sidaas waxaa yeri madaxa ururka kulmiya iskaashatada LO Karl-Petter Thorwaldsson.

Ururka kulmiya degmooyinka iyo goblaada SKL ayaa sidoo kale soo dhaweeyey qorshahan cusub ee dowladda.

– Dhabaayinka gaaban oo waxbarashada loo maro si ay dad badan suuqa shaqada u soo galaan waa wax u fiican dhaqaalaha degmooyinka iyo gobolada, ayey tiri gudodoomiyaha SKL Lena Micko.