Moderaterna cinqaab dheerad ah la doonaya kuwa canshuurta la dhuunta

Xisbiga Moderaterna ayaa ku taliyey in gacan bir ah lagu qabto kuwo canshuuraha la dhuunta ama qiyaameeya. Xisbiga ayaa ku taliyey in la kordhiyo qarashka dheeradka ah ee la dulsaaro kuwo canshuuraha la dhuunta.

Anna Kindberg Batra hoggaamiyaha Moderaterna ayaa la barbardhigtay kuwa canshuuraha la dhuunta kuwo kaalmada dhaqaale qaata iyagoo shaqeysan kara. ”Qof weliba waa in inta tabartiisa ah wax ku kordhiayaa dhaqaalaha dalka”, ayey tiri hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna.

Hindise miisaaniyadeedka xisbigu uu dhawaan soo bandhigi doono ayey ku jirtaa arrintan, xisbigana waxuu doonayaa in boqolkii 12,5 lagu kordhiyo dhaqaalaha laga qaadayo ruuxa lagu heli canshuur qarin, hey’adda canshuuraha soo arrurisa ee Skatteverket la siiyo 50 milyan dheeraad ah si u dabo-gasho dadka lacagaha dalka dibaddiisa ku qarsada.