Moderaterna oo qarashka ka jaraya socdaalka

1:54 min

Xisbiga Moderaterna ayaa doonayaa in ay ka keydiyaan 12 bilyan oo karoon qarashka ku baxa arrimha socdaalka.

 Hindisahan waa qayb ka mid ah miisaaniyadda xisbiga oo la so bandhigi doono todobadka soo socda.

Hindisaha miisaaniyadda xisbiga Moderaterna ayaa waxaa ku jiri doona dib u habeyn la xiriirta is-dhex-galka iyo sida wax looga qaban karo bulsho ka qob-qobnaanta ka jirta goobaha ay ku badanyahiin soo-galootiga.

- Waa dhibaatooyin waaweyn oo ka jira hadda Sweden.

- Sida kalena waxaa laga marmaan ah in ay barbar socoto middas dib u habeyn lagu sameeyo canshuuraha, ayuu yeri afhayeenka siyaasadda dhaqaale ee xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson.