KD: waalidka shaqeeya waxaan ka dhimeynaa 500 kr bishii

2:20 min

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa doonaya in ay ka dhimaan canshuurta waalidka shaqeeya bishii 500 karon.

Guud ahaan canshuur dhimista uu KD dooneyo in uu sameyso ayaa ah 12 bilyaan karoon labada sanno ee soo socota. Waalidka fasaxa caruurta ku jira, shaqo la’aanta ah ama ku qoran jirro qeyb yar ayey ku lahaanayaan canshuur dhimistan inta ilmahooda uga buuxsameyso saddex sanno, sida ku xusan hindisaha miisaaniyadeed ee xisbiga KD maanta oo isniin ah soo bandhigi doono.

Canshur dhimistan xisbiga KD doonayo in ay u sameeyaan waaldika ayaa quseyn doonta waaldika shaqeeya, si kasta oo ay u yartahay xilliga ay shaqeeyaan.  

– Dib u habeyntan waa mid ugu horeyn ujeedadiisa tahay shaqada in lagu faa’ido. Waxaan dooneynaa in carruurta ay ku koraan qoysas waalidku shaqeystaan oo ay awoodaan masruufka reerkooda, ayey tiri hoggaamiyaha xisbiga KD Ebba Bush Thor.

Hindisaha miisaaniyad ee xisbiga KD waxaa la soo bandhigayaa maanta oo isniin ah. Midda illaa iyo hadda la ogyahay waxay tahay in xisbigaan doonayo in ay ka dhimaan canshuuraha 12 bilyan oo ah karoonka Sweden labo sanno ee soo socota.

Isha: SVT Nyheter