Xisbiga Center oo shuruud adag ku xiray Mudaraterna

5:30 min

Xisbiga Center-ka (C) oo ka mid ah afarta xisbi ee garabka midig waxa lagu magacaabo Alliansen ayaa shuruud adag hor dhigay xisbiga Modaraterna (M).

Hoggaanka xisbiga Moderaterna waa inuu kala doortaa inuu waan waan siyaasadeed kula galo guddi-hoosaadyada xisbiyada garabka midig ama uu middaa mid la mid ah kula galo xisbiga Sverigedemokraterna (SD).

Haddii uu xisbiga Moderaterna uu ka door bido inuu guddi-hoosaadyada baarlamanka waan waan siyaasadeed kula galo xisbiga SD, suurtagal noqon mayso marka inay halkeedii ka sii socdaan wada-hadalladii uu xisbiga M uu guddi hoosaadyada kula lahaa xisbiyada garabka midig ee Alliansen-ka, sida uu sheegay xisbiga Center-ku.

Qalinle Dayib wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta xisbiga Center-ka u metesha golaha deegaanka ee magaalada Kristiansta. Qalinle ayaannu wax ka weydiiney macnaha ka dambeeya shuruuddan uu xisbiga uu xubinta ka yahay ee Center-ku u soo jeediyay xisbiga ay xulufada yihiin ee Moderaterna.

-Waa in xisbiga moderaat-ka ahi hadda go´aansadaan dhinaca ay u soconayaan, wadashaqeeyn anaga iyo xisbiga SD na dhex mari karta ma jirto.