M: SD waxaan kala xaajoon karnaa siyaasadda qaybo ka mid ah

4:01 min

Hoggaamiyaha xisbiga Modaraterna Anna Kinberg Batra ayaa daboolka afka qaaday iyadoona jawaab ka bixisay fikirrada qaar ka mid ah xisbiyada ey xulufada yihiin ka dhiibeen ereyadii ey toddobaadkii hore soo ban-dhigtay iyo in xisbigeedu gacanta u fidinayo xisbiga Sverigedemokraterna (SD).

Anna Kinberg Batra ayaa carrabka ku adkeeysay inuu xisbigeedu is-bedel ku sameeyay fikirkiisii iminkana ey kala xaajoon doonaan xisbiga SD arrimmaha siyaasadda la xiriira oo keliya.

Marka waxaad taageero ka raad-san xisbiga SD oo dabadeed aad kulan la qaadan doontaa alliansen-ka oo u sharrixi doontaa?

– U maleeyn maayo in loo baahan yahay in wax u dhacaan sida aad wax u sawirreeyso, waayo waxaannu leenahey hab-fikir aannu ka mideey-sannahey alliansen haddaanu nahey. Halka dhanka kale aannu nahey afar xisbi oo kala duwan oo aan wax walba ku mideeysneyn, sida ay sheegtay Anna Kinberg Batra, hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna.

Sida wax u dhici doonaan ma noo sheegi karaysaa haddaba? Ma xisbiyada garabka midig oo dhan ayaa la kulmi doona xisbiga SD?

– Maya, kulammo qabanqaabsan la yeelan meyno xisbiga SD, maadaama aan qiimeeynta siyaasadeed ku kala duwannahey, sidoo kale taageero aannu awoodda ku qabsanno ka dooni meeyno – waa mid aannu dooneeyno garabka midig ee alliansen inaan middaa ku tallaabsanno. Waa xisbiyada garabka midig kuwa wada-hadallada yeesha oo u diyaar-garooba siyaasadda dawladda dalka ka talisa sidii aan gacanta ugu dhigi laheyn.

Maxaa cusub haddaba?

– In aannu ka kaaftoonno siyaasaddii uu xisbiga Modaraterna horay u qabay iyo inaanba xisbiga SD siyaasadda lagala hadal. Waxaan aamin-sanahay inay tahay mid shaqeeyn wayday.

In xisbiga SD lala hadlo ma waxay la macne tahay i sii aan ku siiyee?

– Su’aalaha qaarkood kolkii ey jiraan arrimmo laga mideey-san yahay ama laga midoobi karo, haa. Hase yeeshee marna diyaar uma ihi inaan hab-fikireedkayaga wax ka bedelo. Waana xisbiyada garabka midig – alliansen kuwa aan doonayo inaan ka wada xaajoonno siyaasadda miisaaniyadda.