Xisbiyada Moderaterna iyo Sverigedemokraterna oo shiraya

Xisbiga Moderaterna ayaa aqbalay codsiga xisbiga Sverigedemokraterna in ay dhowaan la kulmayaan.

Sidaas waxaa sheegay Niklas Gillström oo qeeybta saxaafada u qaabilsan Moderaterna.

-Waan ka laabanay fikirkii naga mamnuuci jiray xisbiga SD in aannu la xaajoono. Sidoo kale dhowaan ayaannu kulan la yeelan doonaa xisbiga Sverigedemokraterna, sida uu sheegay. Niklas Gillström.

Goorta iyo meesha ay ku kulmayaan labada xisbi weli lama shaacin.