Cudurka jadeecadda oo ka dillaacay nawaaxiga Järva

Inta la hubo todoba qof ayuu bilihii na soo dhaafey haleelay cudurka jadeecadu.

Dadyowga cudurkaasi ku dhacey ayaa ku dhaqan magaalada Stockholm, gaar ahaan xaafadaha dhaca woqooyiga iyo woqooyi galbeed ee magaalada Stockholm (Nawaaxiga Järva).

Dadka uu xanuunka jadeecadu ku dhacey ayaa ahaa laba qof oo waaweyn iyo shan caruur ah, waxaana ku jirey qoys iyagu isku daartey ama kala qaadey cudurka.

Sidaas oo ay tahay markii hey’adda caafimaadka dadweynuhu u dhabagashey xaafadaha qaarkood ayaa lagu ogaadey in dadka is talaalaa ay aad u yar yihiin khaasatan xaafadaha Järva iyo Järvafältet.

Tusaale ahaan xaafadda Rinkeby ayaa dadka istalaalaa waxay gaarayaan boqolkiiba 73, halkaas oo khatar u ah in cudurada la iska qaadaa ay ku dhex faafaan.

Dad badan ayaa shaki ka qaadey talaalka jadeecada loo qaato ka dib markii dhammaadkii sanadkii 1990-kii maqaal lagu soo daabacey wargeyska lagu magacaabo The Lancet ,  lagu sheegey in xiriir ka dhexeeyo talaalka jadeecada loo qaato iyo cudurka autism-ka, laakiin markii danbe ayaa waxaa soo baxdey in cilmi baaristaasi aheyd mid aan sal iyo raad toona laheyn oo been abuur ah.

Hooyo Umal Bulaale oo wadata gabadheeda Nadia Noor oo todoba bilood jir ah ayaa ka qayb gashay warbixin cudurka jadeecada ku saabsan oo ay soo ban-dhigtay rug caafimaad oo ku taala xaafadda Rinkeby.

Hooyo Umal Bulaale ayaa wax iska badaleen fikirkii ay horey talaalka noocaas oo kale ah uga qabtey khaasatan maadaama gabadheeda Nadia ay ku dhalatey muddo lix bilood ah, waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

- Hadda markaan war-bixintan dhageystey, waxaan rabaa in aan gabadhayda talaalo. Awal waxaan ahaa mid arrinkaas shaki ka qabtay, laakiin cudurka jadeecadu waa mid aad la isu qaadsiiyo sidaas daraadeedna khatar noocaas oo kale ah ma galin karo ilma yar oo dhicisnimo ku dhashey, sida ay sheegtay Umal Bulaale oo u warrameeysay war-geeyska Dagens Nyheter.