
Saqafka sare ee bixinta cashuurta dawladda oo la dhimi doono
Wada-xaajoodka miisaaniyadda gu’ga ee dawladda iyo xisbiga Vänsterpartiet (V) ayaa lagu heshiiyey in kor loo qaado tirada dadyoowga bixiya cashuur-dawladeedka. Heshiiskan ayaa la filayaa inuu khasnadda dawladda soo geliyo miisaaniyad gaarsii-san 2,7 bilyan sannadka foodda innagu soo haya.
Af-hayeenka xisbiga Vänsterpartiet ee siyaasadda dhaqaalaha Ulla Andersson ayaa ku qanac-san heshiiskan.
-Waxaa loo baahan yahay dhaqaale lagu miisaaniyad geliyo tusaale ahaan dar-yeelka caafimaad ee umulusooyinka, waana mid la qaadan karo in dadyoowga qaata mushaarooyinka sare ey gacan ka geeystaan maal-gelinteeda. Sidoo kale waa mid gacan ka geesanaysa sinnaanta guud ahaan si loo xaqiijiyo hor-u-marka dalka. Waa tallaabo loo qaadey dhabbadii saxda ahayd.
Sannad walba ayaa kor loo qaadaa xadka mushaarooyinka ay waajib tahay in laga jaro cashuurta dawladda. Waa mid uu heshiiskan hoos uga dhigayo xadkii loogu talo-galey ee sannadka 2018.
Tallaabadaasina oo uu xisbiga Vänsterpartiet shuruud ka dhigay wada-hadalkii miisaaniyadda ee uu dawladda la galey.
Middaasi ayay macnaheedu tahay in dadyoowga qaata ugu yaraan mushaarooyin gaarsii-san 38 200 oo koran ey bixin doonaan cashuur ka badan middii loogu talo galey. Cashuur gaarsii-san 200 oo koronka iswiidhishka ah, sida ay sheegtay wasaaradda dhaqaaluhu.
Tirada kor u kacaysa ee lagu qiyaasayo iney bixiyaan cashuurta dawladda ayaa kor u gaaraya 8 000 oo ruux – waana is-bedel muhiimad ku fadhiya, sida ay sheegtay Ulla Andersson oo xisbiga V uga qayb galaysay wada-hadalka miisaaniyadda gu’ga.
Dhanka kale xisbiyada mucaaradka ayaa dhaleeceeyn ballaaran dusha uga tuurey heshiiskan iyagoona ku magacaabay inuu yahay heshiis aan damiir lahayn, sida uu sheegay af-hayeenka xisbiga Moderaterna ee dhanka dhaqaalaha Ulf Kristersson.
-Xisbiga Socialdemokraterna ayaad mooddaa inuu mar walba u dhawaaqo sidii ay cid walba qaadato mushaaro sare, waxaannu ka hadleyno waa toban daloolow afar umulusooyinka, toban daloolow afar ciidanka ammaanka, waxa laga hadleyo waa kooxaha howl-wadeennada aasaaska u ah bulshada.
Mats Persson oo u hadlayay xisbiga Liberalerna ayaa fikir midkaa la mid ah qaba.
-Aad iyo aad ayaan u dhaleeceeneynaa, waa ciqaab-cashuureed tacliinta la xiriirta, waa cashuur lagu ciqaabeyo saraakiisha ay masuuliyad ka saaran tahay shaqadooda.
Dawladda iyo xisbiga Vänsterpartiet ayaa sidoo kale heshiis ku ah in cashuur dheeri ah laga qaado dadyoowga dalka dibaddiisa ku nool ee mushaaro ka qaata shaqa Sweden laga qabto.
Kooxdan ayaa cashuurta kor loogu qaadi doona sannadka foodda innagu soo haya. Iyada oo laga dhigo 25%, halka ay iminka ka tahay 20%.