
Soomaalida abaaraha lacagta u dira oo kordhay
Abaaraha xoogan ee Soomaaliya ka taagan ayaa saameeysay soomaalida Iswiidhan ku nool oo kordhiyay lacagaha ay u diraan waddanka.
Waxaan ku suganahay xaafada Rinkeby magaalada Stockholm halka ay mid ka mid ah xafiisyada dahabshiil ku yaalaan. Sbuucyadii ugu dambeeyey ayey aad u kordheen dadka doonaya in ay lacag u diraan dadka ku dhibaateeysan abaaraha xoogan ee hadda soomaaliya ka taagan. Sidaas ayuu sheegay Salaax Bulaale oo ka hawlgala dahabshiil.
Wuxuu sheegay in dadkii lacagaha u diri jiray qoyskooda keliya hadda ku daraan sadaqo si loo caawiyo dadka waddanka ku dhibaateeysan.
-Waxaa kordhay tirada qof ee lacag dirta. Sido kale ayaa lacagaha sadaqada ah ee loo diro gudiyada kala duwan kor u kaceen, syuu sheegay.
Abdiwaasax Farax Kooshin ayaa ku nool magaalada Skellefteå. Wuxuu dhowaan ka yimid Somaliland halka uu ku soo booqday hooyadiis oo halkaas ku nool.
In kasta oo hooyadii aheeyn reer mii xoolo dhaqato ah abaarahu weey saameeyeen ayuu sheegay Abdiwaasax. Tusaalahaan ayaa magaalooyinka waaweeyn lugu qaaligareeyay cuntadii madama ay badanka xoolaha miiga lugu hayey nafaqo darro u dhinteen.
Waxaan tegaynaa magaalada Göteborg ee galbeedka Iswiidhan ku taala. Halkaas ayey dhowr gabdhood si wadajir ah lacag u ururiyaan si ay u caawiyaan abaaraha soomaaliya ka taagaan. Maanta wexey taaganyihiin dibada si ay lacagtan u ururiyaan.
Salaado ayaa ka mid ah gabdhaha galabtan soo staagay banaanka si ay u caawiyaan dadka ku dhibaateeysan abaaraha.
Khadra ayaa iyaduna maanta lacag ururinaysa. Maaha markii ugu horreeysay ay isku daydo in ay lacag ururiso ayey sheegtay. Khadra ma jecla in ay mucaawinada ku ururiso ururahaan.
-Gacanteeyda aniga aanan urur ku jirin ayaan lacagta aan u ururinaya dadka Soomaaliya ku dhibaateeysan, ayey sheegtay.
Sahra ayaa ah gabadha ugu yar ee maanta lacag ku caawisay dadka ku dhibaateeysan soomaaliya, ayey Khadra sheegtay. Galabtan wexeey la socotay aabaheed, marka la weeydiiyay in ay caawin karto dadka abaartu saameeysay wexey tidhi haa.
-Haa waad u diri karta Soomaaliya, ayey sheegtay Sahra oo shanteedii koroon sadaqada ku dartay.
Aan ku laabano xaafada Rinkeby iyo xafiiska ay dahabshiil halkaas ku leedahay. Saalax Bulaale ayaa u jeeda in soomalida keliya xallin karin arrinka waddanka ka taagaan waa xaalad aad u adag oo u baahan in caalamku iskugu tago ayuu sheegay.
Ta kale uu is weeydiiyay dadka aan ehelka ku haysanin qurbaha halkee ayey caawimaad ka helayaan?