Wasiirka maaliyadda oo ka carootay lacago suuq madow lagu dhaqay

2:10 min

Bangiyada Nordea iyo Danske Bank ayaa lagu eedeeyey in ay ku lug leeyihiin falal caalami ah oo la xiriira lacago si sharci-darro ah lagu sharciyeeyey lacago la dhaqay.

Wasiirka maaliyadda dalkaan Sweden Magdalena Andersson ayaa dalbatey in dhammaan wararka arrinkaas ku saabsan miiska la soo saaro.

Wargeys ka soo baxa dalka Denmark, laguna magacaabo Berlingske oo kashifey arrinkaan ayaa qorey in labadaan bangi ay lacago balaayiin ah si dhuumaaleysi ah ugu dusiyeen bangiya kale oo ku yaal dalal canshuuraha hantida lacageed looga dhuunto.

Wargeyska Berlingske waaxdiisa dhaqaalaha ayaa qorey in hey’adaha dalalka Lettland iyo Molavia ay heleen lacago balaayiin karoon ah oo la soo marsiiyey bangiyadaan labada ah ka dibna loo sii xawiley dalal canshuuraha hantida lacageed lagula dhuunto.

Lars Krull oo ka hawl gala jaamacadda Aalborg ayaa wuxuu yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

-Arrinkaani wuxuu ku saabsan yahay lacago la xawiley, lana tuhunsan yahay in ay dhammaan bangiyada oo dhan ku noqoneyso sidii wiish ku dhawaaqey oo kale.

Wasiirka maaliyadda dalkaan Sweden Magdalena Andersson ayaa u aragta in wararka arrinkaan la xiriiraa yihiin kuwo xanbaarsan arrin aad iyo aad khatar u ah, waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

-Dabcan waa muhiim in dhammaan wararka arrinkaan la xiriira miiska la soo saaro, sidoo kalana dhammaan dadkii falalkaas ku lugta lahaa ay jawaab ka bixiyaan su’aalaha arrinkaan la xiriira si aan u ogaano wixii dhacey iyo waliba sidii mustaqbalka looga hortagi lahaa in uusan mar danbe arrinkaani u dhicin, ayey tiri wasiirka maaliyadda dalkaan Sweden Magdalena Andersson.

Petter Brunnberg oo ah afhayeenka bangiga Nordea ayaa isna wuxuu yiri sidan soo socota:

-Haddaanu nahay bangiga Nordea marna ma aqbaleyno in bangigayaga laga dhigto xarun lacagaha suuqa madow ah lagu sharciyeeyo ama lagu dhaqo, ayuu yiri Petter Brunnberg, ah afhayeenka warfaafinta bangiga Nordea.

Bangiya kale oo Swedish ah oo ay ka mid yihiin SEB iyo Swedbank ayaa la kashifey in iyaguna isticmaaleen habkaan lacagaha lagu dhaqo, sida uu qorey wargeyska Berlingke Business.

Wargeyska ayaa qorey in labadaan bangi ee Swedbank iyo SEB ay dhaqeen lacag dhan 35 milyan oo karoon sanooyinkii u dhexeeyey 2011-kii iyo 2014-kii, iyadoo bangiyadaan la adeegsanayo, waana waxa loo yaqaano qasaaladdii ruushka.

Peter Hojem oo ah afhayeenka bangiga SEB ayaa ka gaabsadey in uu ka faaloodo dhacdadaan hadda cusub balse isaga oo faala guud bixinaya ayuu yiri sidan soo socota:

- Waxaa khasab nagu ah in aan wax ka badalno, wanaajinana habka iyo nidaamka aan ku shaqeyno, ayuu yiri Peter Hojem oo ah afhayeenka bangiga SEB.  

Wargeyska Dagens Nyheter ayaa isna qorey in shirkadda Ericsson lafteedu arrinkaan raad ku leedahay ka dib markii ay lacago ka qaadatey shirkad been abuur ah.