
Howlgabka oo cashuurta laga dhimayo
Xukuumadda ayaa lagu wadaa in ay maanta soo bandhigto hindise la doonayo in dadka howlgabka lagaga dhimayo lacagta cashuurta ah ee ay bixiyaan, sida uu shaaciyay telefiishanka Iswiidhan ee SVT.
Raisalwasaare Stefan Löfven iyo wasiirkiisa ganacsiga Magdalena Anderson ayaa maanta war saxaafadeed ay wadajir u qabteen kaga dhawaaqay cashuur dhimistan oo sida la sheegay saameeyn doonta ilaa 1.4 milyan oo howlgab ah iyadoo aan la sheegin inta ay leekaan doonto cashuur dhimistani.
Cashuur dhimista dadka howlgabka ah ayaa salka ku haysa dhaleecayn la xiriirta xukuumaddii hore ee wadaaga ahayd (Alliansen) oo iyadu cashuur dhimis u samaysay dadka dakhligu uu shaqada kasoo galo oo kelia, iyadoo taasi uga gol lahayd in dad badani suuqa shaqada soo galaan, hase yeeshee aan cashuurta laga dhimin dadka howlgabka ah, dadka xanuunka shaqada uga maqnaada iyo weliba waalidiinta shaqada uga maqan xannaanada carruurta.
Xisbiga Socialdemokraterna ayaa iyagu hindisahan cashuur dhimista ee loo samaynayo dadka howlgabka ah dabada ka riixayay, iyadoo xisbigu uu xukuumaddii hore ku dhaleeceeyay caddaaladdarro ku aaddan farqiga u dhexeeya lacagta cashuurta. Waxaana xisbigu hore cashuur dhimis ugu sameeyay howlgabka dakhligoodu hooseeyo sannadkii ina dhaafay.
Cashuur dhimistan ayaa lagu wadaa inay dhaqan gasho sannadka 2018:ka.