
Tuuguba damiir wuu yeelan karaa
Habee-nimadii ay soo galeeysay jimcadii ina dhaaftay oo la jabsaday dusgi xannaanada ee ku yaala magaalada Torslanda ayaa laga xaday kompiyuutar.
Kompiyuutarkaasina oo ahaa mid khaas ah. Aaladda kompiyuutarka ayuu lahaa wiil saddex jir ah oo siyaabo kala duwan u itaal la’a. Kompiyuutarka ayaa ku kacay qiime dhan illaa 150 000 oo koron.
Ciidanka ammaanka iyo wiilka hooyadii ayaa saxaafadda siyaabo kala duwan uga codsaday in tuugu u soo celiyo wiilka kompiyuutarkiisa oo aanu ka maarmin. Codsigaasina oo la dhageeystay.
- Tuuggii wuxuu dib ugu soo noqday goobtii xannaanada oo intuu albaab jabiyay dhex dhigay kompiyuutarkii. Subaxdii kolkii shaqaaluhu soo shaqa-tageen ayey goobtii ugu yimaadeen aaladdii oo taala, sida uu sheegay Christer Melvinsson, ahna sarkaal ciidammada ammaanka ee magaalada Torslanda, mar uu u warramayay war-geeyska GT.
Ciidanka ammaanka ayaa baaris ku haya goobtii dembigu ka dhacay, inkastoo aan illaa hadda fara lagu hayn ciddii jabsatay xannaanada.